Deeq A. Posted May 8, 2023 Qalalaase xooggan ayaa saaka oo Isniin ah ka taagan magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal. Muddaharaad lagu dalbanayay in toogasho lagu fuliyo askari dil u geystay sarkaal u dhashay degaankaas ayaa isu rogay qalalaase baahsan oo saameeyay Boorame oo dhan. Wararka ayaa sheegaya in isku dhacyo dhexmaray dadweynaha gadoodsan iyo ciidanka Booliska uu ka dhashay khasaare kala duwan oo ay ku jiraan dad dhaawacmay. Qalalaasaha ka socda Boorame oo markii hore ku bilowday muddaharaad ayaa saacadba saacadda ka danbaysa sii xoogaysanaya. PUNTLAND POST The post Qalalaase xooggan oo ka taagan magaalada Boorame appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites