Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo caawa ka dhacay jiidda Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal culus ayaa caawa ka dhacay jiidda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland oo weerarka soo qaaday iyo xoogaga degaanka ee SSC-Khaatumo oo difaac ah ayuu dagaalkaasi dhexmaray.

Dagaalka ugu xooggan ayaa laga soo sheegay jihada galbeedka Laascaanood halkaas oo Somaliland ka soo bilowday weerarka.

Ilaa iyo hadda faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha dagaalka labada dhinac waxaana weli la maqlaya dhawaqa hubka oo goos goos ah.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo caawa ka dhacay jiidda Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this