Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha golaha guurtida oo sheegay in Garaadada gobolka Sool ay diideen in wax wada hadal nabadeed ah lagala galo arrinta Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo furay Kal-fadhiga 81-aad ee golaha ayaa xildhibaanada u jeediyay khudbad ku saabsan xaaladda dalku marayo, waxaanu soo qaatay xaaladda dagaal ee Laascaanood, waxaanu cadeeyay in xukuumadda iyo golayaasha qaranku ay diyaar u yihiin wada hadal nabadeed oo lagu xalinayo xaaladda Laascaanood balse waxa uu gudoomiyuhu sheegay in Garaadada gobolka Sool ay diideen wax wada hadal nabadeed ah oo arrinta Laascaanood lagala galo.

Waxa uu mudanayaasha gudoomiyuhu u soo jeediyay in aan laga daalin ee kaga dalbado garaadada in ay ogolaadaan wada hadal nabadeed.

Sidoo kale gudoomiyaha golaha guurtidda Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay waxada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu guddi u magacaabay, waxa uu gudoomiye Saleebaan sheegay in mar walba ay ka socon waayaan wada hadaladu dhinaca Soomaaliya oo ay iyagu ka baxaan, waxaanu soo jeediyay in marka hore la fuliyo wixii hore loogu heshiiyay si loo helo wada hadal midha dhal ah.

Ugu danbayn guddoomiyaha  golaha  guurtidda  Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay madax dhaqameed ka socday dalka Somaliya oo dhawaan la kulmay shir-guddoonka guurtida kuwaasi oo u socday xalinta xaaladda dagaal ee Laascaanood waxaanu sheegay inay maanta ka sugayaan go,aan Garaadada Laascaanood kaasi oo ah inay wada hadal nabadeed la furayaan dawlada Somaliland iyo in kale, waxaanu ILLAAHEY ka rayeeyay in go,aan wanaagsan ILLAAHEY waafijiyo Garaadada.

Waxa uu sheegay in maalinta bari ah uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ujeedin doono Khudbada Dastuuriga labada gole, waxaanu ku adkeeyay xildhibaanada in ay goor hore yimaadaan, haddii Alle idmo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this