Deeq A. Posted May 7, 2023 Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu saaka safar ugu baxo gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne Deni oo sidoo kale hoggaamiya urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah ayaa sida xoguhu sheegayaan safarkiisu la xiriira ololaha doorashooyinka qof iyo cod Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu safarkiisa ku sii hakado degaanno ka tirsan gobolka Nugaal oo ku yaalla jidka laamiga ah si uu uga sameeyo ololihiisa. Gen. Asad Diyaano oo kamid ah hoggaanka urur siyaasadeedka Mideeye ayaa isna ku sugan magaalada Gaalkacyo halkaas oo uu ka wado ololaha doorashada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo saaka ku wajahan gobolka Mudug appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites