Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Xaaji: Madaxweyne Deni doorasho uma socdo mudda kororsi ayuu diyaarinaya

Recommended Posts

Deeq A.   
cali_xaaji.jpg?resize=740%2C407&ssl=1

Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa wareysi uu siiyay Universal TV waxa uu kaga hadlay halista ku xeeran wax ka beddelka dastuurka Puntland.

Cali Xaaji oo kamid ah siyaasiyiinta diiddan qorshaha wax ka beddelka dastuurka ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu mudda kororsi ku raadinayo qorshahaas.

” Madaxweynuhu danta uu lee yahay waa in uu extension (mudda kororsi) helo marnaba doorasho uma socdo” ayuu wareysigiisa ku sheegay Cali Xaaji.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame ayaa sidoo kale ka digay in la burburiyo labadii wax ee Puntland ilaashan jirtay oo ah dastuurka iyo wakhtiga doorashada.

Waxa uu sheegay in haddii labadaas laga tallaabo ay Puntland wajihi doonto khatar aad u weyn oo horseedi karta qalalaase amni iyo mid siyaasadeed.

PUNTLAND POST

The post Cali Xaaji: Madaxweyne Deni doorasho uma socdo mudda kororsi ayuu diyaarinaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this