Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland National Mine Policy Approved

Recommended Posts

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta cod-aqlabiyad ah ku axsixiyey xeerka siyaasadda Miinada, kaas oo mudanayaashu hore uga soo dodeen.

 

Fadhiga maanta oo uu shir-gudoomiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa markii uu fadhigu furmay waxa uu mudaneyaasha ku war-geliyey inay guda-gelayaan ansixinta xeerka siiyaasada miinada, oo doodiisu dhamaatay.

 

Waxaana madasha fadhiga Golaha ku sugnaa 45 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiiladu ka kooban yahay, waxaana isla markiiba la guda-galay ansixinta xeerka, iyada oo cod gacan-taag ah loo qaaday.

 

Waxaana ogolaaday 37 Mudane,halka 2 ka diideen, 5 Mudane oo kalena ka aamuseen, Gudoomiyhuna aanu ka codayn. Halkaas ayuu ku ansaxay xeerka siyaasada Miinadu.

 

Waxaana Golaha wakiiladu u gudbinayaan Guurtida, oo iyaguna dib-u-eegis iyo ka doodis kale ka yeelanaya, haddii iyaguna isku raacaan oo ay ansixiyaan, waxaa loo sii gudbinayaa Madaxweyna, oo isugu ah marxalka ugu dambeeya ee saxeexaya, si xeerku u dhaqan-galo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this