Jacaylbaro Posted June 14, 2009 Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta cod-aqlabiyad ah ku axsixiyey xeerka siyaasadda Miinada, kaas oo mudanayaashu hore uga soo dodeen. Fadhiga maanta oo uu shir-gudoomiyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa markii uu fadhigu furmay waxa uu mudaneyaasha ku war-geliyey inay guda-gelayaan ansixinta xeerka siiyaasada miinada, oo doodiisu dhamaatay. Waxaana madasha fadhiga Golaha ku sugnaa 45 xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee Golaha Wakiiladu ka kooban yahay, waxaana isla markiiba la guda-galay ansixinta xeerka, iyada oo cod gacan-taag ah loo qaaday. Waxaana ogolaaday 37 Mudane,halka 2 ka diideen, 5 Mudane oo kalena ka aamuseen, Gudoomiyhuna aanu ka codayn. Halkaas ayuu ku ansaxay xeerka siyaasada Miinadu. Waxaana Golaha wakiiladu u gudbinayaan Guurtida, oo iyaguna dib-u-eegis iyo ka doodis kale ka yeelanaya, haddii iyaguna isku raacaan oo ay ansixiyaan, waxaa loo sii gudbinayaa Madaxweyna, oo isugu ah marxalka ugu dambeeya ee saxeexaya, si xeerku u dhaqan-galo. Quote Share this post Link to post Share on other sites