Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degaan ka tirsan Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba ruux oo haween ah ayaa ku geeriyooday lix qof oo kalena waa ku dhaawacmeen shil gaari oo aroornimadii saaka ka dhacay degaanka Yaka-yaka oo ka tirsan degmada Qardho.

Saraakiisha ciidanka ilaalada waddooyinka Puntland ayaa xaqiijiyay in shilkan uu galay gaari nooca loo yaqaan Nooho oo rakaab sida islamarkaana ay weli baaritaan ku hayaan dhacdada.

Dhaawacyadii ku waxyeelloobay shilka oo qaarkood sida la sheegay culus yihiin ayaa dhammaantood loo qaaday xarumaha caafimaadka Qardho halkaas oo lagu la tacaalayo xaaladooda.

PUNTLAND POST

The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degaan ka tirsan Qardho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this