Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Wax ka beddelka Dastuurka Puntland oo fashil u horseedaya doorashada qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-Doorasho-251021-1.jpg?resize=1000%2

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland oo si adag u diidan in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka ayaa dhammaantood isha ku haya sida Baarlamanka Puntland u wajaho arrintaas.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland oo qaarkood ka tirsan yihiin urur siyaasadeedyo saamayn xooggan leh ay aad wax isaga weydiiyeen go’aanka ay qaadan karaan haddii Baarlamanku ansixiyo qorshaha wax ka beddelka Dastuurka.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan kuwa raadinaya xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada 2024 ayaa sida xoguhu tilmaamayaan isku raacay in hal mar la wada qaaddaco doorashada qof iyo cod ee golayaasha degaanka haddii Baarlamanku ansixiyo wax ka beddelka Dastuurka.

Siyaasiyiintan oo aan qaarkood la hadalnay ayaa noo sheegay in ay go’aankaas wada tashi kala yeelanayaan siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah oo aysan weli kala hadlin kadibna mowqif midaysan laga qaadan doono.

Haddii hal mar ururrada siyaasadda ee mucaaradka ahi ay wada qaaddacaan doorashooyinka golayaasha degaanka waxa gebi ahaanba fashilmi doona damacii madaxweyne Deni ee hirgelinta barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod.

PUNTLAND POST

The post XOG: Wax ka beddelka Dastuurka Puntland oo fashil u horseedaya doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this