Sign in to follow this  
Emperor

National Funeral for Somalia's First President announced

Recommended Posts

Emperor   

MUQDISHO: Dowladda Federaalka oo shaacisay xilliga la keenayo Maydka Aadan Cadde, Goobta lagu aasayo iyo weliba guddi loo saaray Aaskiisa

Posted to the Web Jun 09, 13:02

 

 

Muqdisho (PP) – Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa kaga hadlay kulankooda sidii aas Qaran loogu sameyn lahaa Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya oo ku geeriyooday Nairobi.

 

Kulanka maanta ayaa ahaa mid aan caadi ahayn, waxaan shir guddoominayay Prof. Cali Maxamed Geeddi Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo kulanka golaha wasiirrada uu soo hordhigay Prof. Geeddi ka hadalka aaska qaran ee loo sameynayo Prof. Geeddi.

 

“Wasiirrada Dowladda oo ay ka muuqato murugo xoog leh wajiyadooda ayaa waxay si qoto dheer uga hadleen aaska Qaran ee loo sameynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cadde, waxaana ay isku raaceen in aaska Marxuumka uu ka dhaco Muqdisho, gaar ahaan Qabuuraha General Da’ud” ayuu yiri Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah Afhayeenka Dowladda oo ka qaybgalay kulanka maanta.

 

Mudane Goobdoon ayaa caddeeyay in maydka Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) la keeni doono 11-ka bishaan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah ee soo socota, waxaana maalintaas ay noqonaysaa maalin qaran.

 

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa loo magacaabay guddi qabanqaabiya Aaska Marxuum Aadan Cadde oo noqon doono aas Qaran sida lagu sheegay kulanka Golaha Wasiirrada, waxaana guddigaan madax u ah Prof. Cali Maxamed Geeddi.

 

Guddigaan Qabanqaabinaya aaska ayaa waxaa xubno ka ah: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ahna Wasiirka Maaliyadda Prof. Saalim Caliyoow Ibroow iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmodheere).

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

DFKMG oo guddi u saartay aaska madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya.

Posted to the Web Jun 09, 12:37

 

 

Muqdisho:-Golaha wasiirada dfkmg oo maanta kulan ka yeeshay aaska madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya ayaa maanta isku raacay dhismaha guddi gaar ah oo u xil saaran sidii aas qaran loogu sameyn lahaa Aadan Cabdulle Cusmaan oo shalay galab ku dhintay magaalada Nairobi.

 

Kulanka golaha wasiirada ayaa waaa shir guddoominayay Ra'iisal wasaare Geedi ayadoo guddigaasi madax looga dhigay Ra'iisal wasaaraha, waxaana xubno ka ah ra'iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiir tacliinta sare Saalim Caliyow Ibrow iyo wasiirka arrimaha gudaha Gacmadheere.

 

Afhayeenka dfkmg Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay in laysku afgartay in 11ka bishan oo ku beegan maalinta isniinta lagu aaso maydka madaxweynaha qabuuraha Jenaraal Daa'uud maadaama uu buuxsamay qabuurihii qaranka.

 

Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa intaa ku daray in sidoo kale golaha wasiirada ay isku raaceen in garoonka diyaaradaha Muqdisho loogu magac daro magaca madaxweynaha isla markaana muddo 21 maalin ah loo baroor diiqo madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya mudane Aadan Cabdulle Cusman.

 

 

Halgan.net

C/qaadir Osman

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka oo uga tacsiyadeeyey qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid madaxweynihihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Aadan Cadde, sheegeyna in aas Qaran loo sameyn doono

 

 

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa tacsi u diray qoyskii eheladii iyo shacabka Soomaliyeed meel kastoo ay joogaan, iyagoo uga tacsiyedeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid madaxweynihi ugu horeeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) oo gelinkii dambe ee shalay ku xijaabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo mudooyinka uu isbitaal kaga jiray, ka dib markii ay ka soo dartay xaaladiisa caafimaad.

 

Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi oo qalabka warbaahinta Qaranka kala hadlayey shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Aadan Cadde uu yahay madaxweyne Soomaaliyeed oo taariikh lama iloobaan ah ku reebay shacabka Soomaaliyeed iyo shucuubta Afrika, isagoo tilmaamay in Aadan Cadde loo sameyn doono Aas Qaran, lagu aasi doono Qabuuraha Qaranka oo ku yaala ka soo horjeedka fagaaraha Tarabuunka oo ku yaala degmada Hodan ee magalada Muqdisho.

 

Source: Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Xiliga la aasayo meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo shaaciyey

 

Meydka ALLAHA u naxariistee Madaxweynihii ugu horeeyey ee Jamhuuriya Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) ayaa la shaaciyey xiliga la aasayo.

 

Warar SBC ay ka heshay dad xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw ehelada Marxuum Aadan Cade ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah maxruumka lagu aasi doono magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya, iyadoo meydkiisa uu haatan yaal magaalada Nairobi.

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) waxaa lagu wadaa in aaskiisa uu noqdo mid qaran oo si heer sare ah loo agaasimi doono, iyadoo lagu wado inay ka soo qayb galaan masuuliyiin kala duwan oo ka kala imaanaya dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

 

ALLAHA u naxariistee Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan wuxuu ku geeriyoodey shaley magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya, maalinimadii shaley halkaasi oo uu ku xanuunsanaa mudooyinkii ugu dambeeyey.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Meydkii Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya oo dhawaan la keeni doona dalka

 

Kumanaan kun oo Soomaali ah ayaa u Baroordiiqaysa Geeridii Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Marxuum aaden Cabdulle Cusmaan "aaden Cadde kaas oo Muddo toddabaad ah ku xanuunsanaa Magaalada Nairobi.

 

Allaha u naxariistee Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Aadan C/lle Cismaan ayaa ku xijaabtay Nairobi Hosbital ee Magaalada Nairobi ka dib in mudo ah oo uu halkaasi ku xanuunsayey.

 

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee qabtay xilka madaxtinimada Soomaaliya, bishii June sanadkii 1960 kii markaasi oo ay aheyd xilligii dalka uu xuriyadda ka helay gumeystihii talyaaniga.

 

Alaha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan ayaa waxa uu ku dhashay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1908 dii.

 

Aadan Cabdulle Osmaan (Aadan Cadde) talada hoggaanka Soomaaliya waxaa uu ka degay markii doorashadii dhacday 1967 dii looga adkaaday,xilligaas oo Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay C/rashiid Cali Sharmaarke oo isna 2 sano kadib la dilay waxaana bedelay C/rashiid Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

 

Allaha u Naxariiste Aadan Cade tan iyo markii dagaalada ka dhaceen Soomaaliya waxaa uu ku Noolaa gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Beer uu ku lahaa degaanka Jamaame ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Dhamaan Bahda Midnimo meel kasta ay joogaan iyo aqristayaasheeda waxey tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Umaada Soomaliyed, Eheladii iyo Ubadkii uu ka tagay waxana leenahay samir iyo iimaan Ilaah ha naga wada siiyo marxuumkana Ilaahey Janada Fardowsana ha ka waraabiyo Aamiin Aamiin...

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dalka Soomaaliya oo la galiyey 21 maalmood oo baroordiiq ah, iyadoo calanka

 

Wadanka Soomaaliya ayaa la galiyey 21 maalmood oo baroor diiq ah oo lagu xusayo geerida madaxweynihii ugu horeeyey ee Jamhuuriyada Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) oo shaley ku geeriyoodey magaalada Nairobi ee cariga Kenya.

 

Kulan ay magaalada Muqdisho maanta ku yeesheen xubnaha golaha wasiirada DFKMG ah ee Soomaaliya uuna shir gudoominayey Ra'isalwasaare Cali Max'ed Geedi ayaa waxaa lagu dhisey guddi heer qaran ah oo ka shaqeeya diyaarinta iyo isku dabaridka aaska marxuum Aadan Cade.

 

Afhayeenka xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa u sheegay Idaacada & Telefishinka SBC in kulankii golaha wasiirada ee maanta guddi gaar ah loo magacaabey inay diyaariyaan habkii aaska qaran ee Madaxweynihii ugu horeeyey, waxaana intaasi uu ku darey in mudo 21 maalmood ah baroor diiq qaran wadanka Soomaaliya la galiyey.

 

Gudigan qaran ee aaska Marxuum Aadan Cade ayaa waxaa gudoomiye u ah Ra'isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Cali Max'ed Geedi, Gudoomiye kuxigeen waxaa ka ah Ra'isalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka Tacliinta sare Saalim Caliyow Ibrow, waxaana xubno ka ah wasiirka arimaha gudaha, wasiirka xanaanada xoolaha iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.

 

Marxuum Aadan Cade ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ah lagu aaso magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya, iyadoo meydkiisa laga soo qaadi doono magaalada Nairobi.

 

Cabdi Xaaji Goobdoon waxaa kale oo uu sheegay in golaha wasiirada DFKMG ah ay si buuxda ugu codeeyeen in magaca laga badalo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyadoo loo bixiyey garoonka caalamiga ah ee Aadan Cade.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cade oo loogu magac daray Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xiliga Aaska

 

Last Updated::2007-06-09 21:59:23

 

Muqdisho:- Dowlada Federaaliga ah ayaa maanta

shaaca ka qaaday Allaha U naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Md.Aadan Cadde loogu magac daray Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho.

 

Go'aankan ayaa kasoo baxay kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ee dowlada Federaalka Soomaaliya, ayadoo sidoo kale lagu dhawaaqay sadex maalood oo baroordiiq ah.

 

Maalinta Isniinta ah ayaa lagu wadaa in Aas heer Qaran ah Madaxweynihii hore Allaha u naxariistee loogu qabto magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu aasi doono, haduu eebe idmo.

 

Kulankii maanta ee Golaha Wasiirada oo ahaa mid si gaar ah looga hadlay arrimaha Aaska Madaxweyinihii hore Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) oo ku geeriyooday Nairobi, Kenya.

 

Kulankaasi ayaa Xukuumada Federaalka ayaa laga soo saaray go'aan ah in muddo 21-cisho ah hoos loo dhigo Calanka Somalia, iyadoo loogu baroor-diiqayo geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee dalka Somalia, Marxuum Aadan Cadde.

 

Safaaradaha Somalia ay baroor-diiqdaasi darteed hoos u dhigi doona Calanka Somaliya.

 

Waxaa sidoo kale la magacaabay Guddi heer Qaran ah oo qaabilsan Aaska heer Qaran ee loo qaban doono Marxuumka Adan Cadde, guddigan ayaa ka kala kooban:

 

1- Ra’isul-wasaaraha DFKMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi

 

2- Ku-xigeenka Ra’isul-wasaaraha, Prof. Saalim Caliyow Ibrow

 

3- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dr. Maxamed Maxamuud Gacmadheere.

 

4- Wasiirka Xannaanadda Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Md. Axmed Jaamac Cabdulle “Jangeli”.

 

5- Taliyaha Ciiddanka Xoogga Dalka Somalia

 

6- Taliyaha Ciiddanka Boliska Somalia.

 

7- Taliyaha Ciiddanka Nabad-sugidda Somalia.

 

Marxuum Aadan Cadde oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey xilka dowlada Soomaaliya qabta ayaa lagu wadaa in loo dhigo Aas Qaran oo ah kii 2aad ee loo dhigo Madaxweyne Soomaaliyeed.

 

Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya Marxuum C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ugu danbeeyey Madaxweyne si guud loogu dhigo Aas qaran oo ay Dowlad Soomaaliyeed qaban qaabiso, ayadoo Madaxweynihii sadexaad Marxuum Maxamed Siyaad Bare uu geeriyooday xili aysan dalka Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Md.Maxamuud Muse Xirsi (Cadde Musse) ayaa Dhambaal Tacsi oo uu xafiiskiisa Garowe kasoo saaray Tacsi ugu diray dhamaan eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Madaxweyinihii hore ee dalka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this