Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Siyaasadda Puntland oo ka hortimid in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku midaysan yihiin hoggaamiyeyaal isbeddel-doon ah ayaa ka hortimid go’aankii xukuumadda Madaxweyne Deni ku ansixisay in wax laga beddelo Dastuurka.

“Madasha Siyaasadda Puntland waxay si xooggan uga soo horjeeddaa ansaxin-ku-sheegga sharci-darrada ah ee Golaha Wasiiraadu ay 4tii May 2023 wax uga baddaleen Dastuurka Puntland. Waxaan ugu baaqaynaa MD. Siciid Deni iyo Xukuumadiisa in ay joojiyaan wax ka beddelka Dastuurka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madasha.

Madasha Siyaasadda Puntland waxay Maxkamada Dastuurka ugu baaqday in ay gudato wajibaadkeeda Dastuuriga oo ay hor istaagto in wax ka baddel lagu sameeyo Dastuurka oo ah heshiis bulsho.

Sidoo kale Madashu waxay ugu baaqday Baarlamaanka Puntland in aysan ku dhexmilmin damaca siyaasadeed ee Madaxweyne Deni, isla markaana aysan ka noqon qayb curyaaminta geedi socodka hannaanka dowladnimo una horseedin Puntland hubanti la’aan siyaasaddeed iyo amni.

Madashu waxay Isimadda Puntland ugu baaqday in aysan indhaha ka laaban wax ay ku sheegtay burbur dowladnimo oo uu wado Madaxweyne Deni.

FB_IMG_16832414968177264.jpg?resize=650%

PUNTLAND POST

The post Madasha Siyaasadda Puntland oo ka hortimid in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this