Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha xukuumadda Puntland oo ansixiyay in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha xukuumadda Puntland ayaa caawa ansixiyay soojeedin ku saabsan in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka Puntland si loo kordhiyo tirada xisbiyada Siyaasadda ee ku soo baxaya doorashooyinka qof iyo cod.

Shirkii Khamiis laha ee wasiirada Puntland oo caawa qabsoomay ayaa lagu ansixiyay in isbeddel lagu sameeyo qodobka 46-aad ee Dastuurka Puntland si loo badiyo xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod.

Qodobka 46 ee la soo jeediyay in isbeddel lagu sameeyo fiqraddiisa saddexaad ayaa qoraysa in saddexda urur siyaasadeed ee ugu cod bata doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland ay noqdaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmi ah.

“Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo xisbiyada siyaasadda 5 xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh goluhu u ansixiyey loo gudbinaya golaha wakiillada dowladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkii caawa ee wasiirada Puntland.

Shirka caawa ayaa sidoo kale looga hadlay qodobo ay ka midyihiin amniga, dib-u-dejinta ardeyda ay saameysay xaaladda Sool iyo Suudaan, dardargelinta doorashada goleyaasha degaanka, warbixinta xaaladda daadiidka dowladda iyo curashada roobabka gu’ga.

PUNTLAND POST

The post Golaha xukuumadda Puntland oo ansixiyay in wax ka beddel lagu sameeyo Dastuurka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this