Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Muumin Seed wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland oo go’aansaday in uu ku biiro xisbiga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharraxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa maanta gurigiisa casuumad gaar ah ugu sameeyay saaxiibkiisii hore ee siyaasaddu kala ka xaysay Axmed Muumin Seed, iyadoo sida Ilo-xogogaal ah Gallaydh Media u sheegeen Axmed Muumin Seed wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland go’aansaday in uu ku biiro xisbiga Waddani oo uu aasaasayaashii ka mid ahaa.

Muumin Seed, ayaa dhawaan laga saaray xisbiga Kulmiye waana siyaasi saamayn weyn ku dhex leh siyaasadda gobollada galbeedka Somaliland isagoo hore saamayn ugu yeeshay codka gobolka Awdal doorashadii madaxweyne ee sannadkii 2017-kii markaas oo uu Kulmiye la jiray.

Seed, oo hore guddoomiye ku-xigeen uga ahaa Waddani ayaa iskaga baxay kadib markii uu waayay jagada musharaxa madaxweyne ku-xigeen oo uu doonayay haddana lama shaacin xilka uu ka qaban doono haddii uu si rasmiya ugu biiro.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this