Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ukraine Miyey Kambeysay Weerarka Lagu Qaaday Madaxtooyada Ruushka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ruushka  ayaa ku eedeysay dhigeeda Ukraine inay weerarro diyaarado drone ah ku beegsatay madaxtooyada looga arrimiyo dalkaas ee loo yaqaano Kremlin-ka , iyadoo eedeyntaas ay dhanka  Kyiv beenisay iney ka dambeyso weerarka lagu qaaday Moscow.

Muuqaallo aan la xaqiijin oo la wareejinayo baraha bulshada ayaa muujiey qarax ka dhacay dusha sare ee Aqalka Kremlin-ka, oo ah hoyga maamulka madaxweynaha Ruushka, waxaana la ogeyn sababta ka dammbeysa marka laga soot ago eedeynta dowladda Ruushka.

Moscow ayaa ku eedeysay Kyiv inay isku dayday inay Putin ku khaarajiso “ficil argagixiso oo la qorsheeyey iyo isku day lagu qaadi lahaa nolosha Madaxweynaha Federaalka Ruushka, waxaana sidoo kale aan jirin ilo madaxbannaan oo cadeynaysa eedeynta Kyiv loo jeediyay”

Hase yeeshee madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa beeniyey in dalkiisa uu mas’uul ka ahaa isaga oo yiri “waxaan u dagaalameynaa dhulkeena, waxaan difaaceynaa xaafadaheena iyo magaalooyinkeena.”

Afhayeenka madaxweynaha Ukraine Mikhaylo Podolyak ayaa soo jeediyey in Moscow ay mas’uul ka tahay weerarka lagu qaaday madaxtooyada dalkaas, isaga oo ku tilmamay wax ay abaabushay dowladda Ruushka sida uu hadalka u dhigay afhayeenka.

“Warbixinadan ay abaabuleen Ruushka waa in loo tixgeliyaa isku day lagu diyaarinayo weerar argagixiso oo lagu qaado Ukraine,” ayuu yiri Podolyak isaga oo ka jabaayay eedeynta loosoo jeediyay dalkiisa ee ku aadan weerarka lagu qaaday madxtooyada Ruushka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda dowladda Mareykanka ninka lagu magacaabo Antony Blinken ayaa sidoo kale shaki geliyey sax ahaanshaha sheegashada Ruushka, isaga oo yiri “Waxa kasta oo ka yimaada Kremlin-ka waxaan ka qaadan lahaa shaki badan.”

Khabiir ku takhasusay Yurubta Bari, Sergej Sumlenny ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ruushka uu ka dambeeyey weerarka weerarka dhacay saqafka sare ee aqalka looga arrimiyo dalkaas, oo Ruushku ku eedeeyay in ka dambeyso Kyiv.

Waxa uu sabab uga dhigay arrimo ay ka mid yihiin Kremlin-ka oo xaqiijin deg deg ah ka bixiyey dhacdada, iyo muuqaallada oo ay duubeen kaamirooyinka dowladda, inkasta oo aysan caddeyn cidda ka dambeysay weerarka, Ukraine waa ay leedahay xeelad ay weerar gantaallo uga fuliso Ruushka, sidaasna horey waa ay u sameysay.

“Waxaa macquul ah in lagu fuliyey diyaaradda Drone-ka Ukraine ee UJ-22, ama tan Shiinaha uu sameeyey ee Mugin-5, oo horey ay u adeegsatay Ukraine, ama PD-1,” waxaa sidaas yiri Samuel Bendett oo ah cilmi-baare khabiir ku ah qalabka milatari, kana tirsan Barnaamijka Daraasaadka Ruushka ee CNA.

UJ-22 waxay awood ahaan gaari kartaa Moscow, hase yeeshee ma cadda halka diyaaradda drone-ka ah iminka laga soo diray, ayuu sheegay Bendett. Weerarka ma gaysan khasaare badan, hase yeeshee Bendett wuxuu sheegay in weerar uu cadow la beegsado xuddunta dowladda Ruushka uu yeelanayo “waxyeello maskax oo xooggan.”

Eedeyntaan dowladda Ruuska ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli ay wali taagan tahay xiisadda u dhaxeysa dalalka Ruushka Ukraine, waxaana wali aan xal loo helin muranka gacan ka hadalka gaaray ee dhaliyay khasaare xoogggan oo soo kale gaaray labada dhinac, kaas oo lagu waayay naf iyo hanti badan.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this