Sign in to follow this  
Deeq A.

Mashruuca Ku Dhiso Dalkaaga Hal Dollar oo Muqdisho Looga Dhawaaqay 7 Sano Kadib

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 7-sano kadib si rasmi ah u daahfuray dib usoo nooleynta mashruucii (DALKAAGA KU DHISO HAL DOLLAR) kaas oo ahaa mid horey u hirgalay guddoomiyaha gobolka.
Mashruucaan ayaa muddadii uu socday waxaa lagu dhisay wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo muhiim u ahaa isku socdka degmooyinka caasimadda, waxaana mashruucaan daahfurkiisa qeyb ka haa madax ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya oo lagu casuumay.
Guddoomiye ku-xigeenada maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayyaha guud ee Maamulka Gobolka Aggaasimayaal, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Ganacsato, Culuma-udiin iyo hogaanka ururada bulshadarayidka, ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa,
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hore u sheegay in mashruucaan looga golleeyahay in lagu hormariyo bilicda caasimadda, waxaana durba dowladda hoose bilowday ka shaqeynta Naleynta.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this