Sign in to follow this  
Deeq A.

Catriona Laing oo loo magacaabay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
202354638187611003536436.jpg?resize=660%

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Catriona Laing u magacaabay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa xafiiska UNSOM.

Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa xilka kala wareegaysa ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya James Swan oo u dhashay waddanka Maraykanka.

Haweeneydan ayaa heysata in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xaga diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah,waxayna soo qabatay jagooyin badan oo siyaasadda dawladda UK heer qaran iyo heer caalami.

Laing waxa ay shahaadada Master ee cilmiga dhaqaalaha ka qaadatay kuliyadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee London iyo Master oo maamulka iyo Ganacsiga ah oo ay ka qaadatay Jaamacadda Cranfield, oo labaduba ku yaalla Boqortooyada Ingiriiska.

PUNTLAND POST

The post Catriona Laing oo loo magacaabay ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this