Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga kulmiye oo shaaciyey in Maayar Mooge u doonayaan Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye

Recommended Posts

Deeq A.   
Masuulkii Ugu Horeeyay ee ka Tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa shaaciyay in Maayir Cabdikariin Axmed Mooge loo wado Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye.
Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dheere oo ka tirsan Guddiga Sare ee Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye sidoo kalena ku jira Shaqsiyaadka Saxiibka dhow la ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Maayirka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Maayir Cabdikariin Axmed Mooge ay ka dhigayaan Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye oo ay la doonayaan inuu noqdo Madaxweynaha ku xigi doona Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Cabdiraxmaan Dheere ayaa noqanaya Masuulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Gudigga Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee si rasmi ah u sheegay in uu jiro qorshaha ah in Maayir Cabdikariin Axmed Mooge loo wado Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye.
May be an image of 1 person and text

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this