Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedka kulan ay DF ku qabatay gudaha garoonka Aadan Cadde + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
344750027_6053386194774848_4599078605101

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ku qabatay shirka deg deg ah oo la xiriira xaaladda ka taagan dalka Sudan.

Shirkan oo si gaar ah ugu saabsana taageerada iyo joogteynta daad-gureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sudan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Xoghayaha Joogtada, Qaramada Midoobay, gaar ahaan wakiilada hay’adaha IOM, UNHCR, WHO, UNFPA, UN,-OCHA iyo Ergeyga Madaxweynaha JFS ee Soo-galootiga.

Shirkan oo maanta ka qabsoomay dhismaha VIP-da garoonka Aadan Cadde ayaa waxay dhinacyadu uga wada-hadleen dadaalada daad-gureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga samata-bixinayo dagaallada iyo dalalka deriska oo ay ku qaxeen.

Kulankan oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS Mudane Abshir Cumar Haruuse, ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Ergayga Madaxweynaha DFS ugu qaabilsan Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta danjire Maryan Yaasiin Xaaji.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas.

Si kastaba, Toddobaadkan ayay aheyd markii ay dowladda soo daad-gureysay ku dhowaad 312 qof oo isagu jira dhalinyaro, haween iyo caruur, kuwaasi oo billowgii dagaalka Sudan u cararay xuduudaha Koonfurta Sudan iyo Itoobiya.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan waxaa ajaanibtii ugu badneyd laga daad-gureeyay dalkaasi, gaar ahaan magaalada Khartuum, dadka isaga tagaya dalkaas ee laga soo saarayo ayaa waxaa kamid ah muwaadiniin Soomaaliyeed, inkasta oo ay weli ay jiraan qaar ku go’doonsan meelo kala duwan.

344192901_175326461764107_29063448966170 344849558_959802905360168_18270946834642 344750027_6053386194774848_4599078605101 344796234_548696107425341_42375872302008 344796346_605804271516988_40105852231708 344199056_592370575987243_65697589592638

The post Ujeedka kulan ay DF ku qabatay gudaha garoonka Aadan Cadde + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this