Deeq A. Posted May 3, 2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah. Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay: Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG. Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG. Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG. Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS. Markuu tixgeliyay: Talada Madaxweynaha JFS Markuu garowsaday: Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay: 1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. 2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad. Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.–DHAMMAAD— The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabis sameeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites