Sign in to follow this  
General Duke

Japan to fund reconstruction of Road Linking Garowe to Galkacyu

Recommended Posts

-Gaalkacyo: Japan oo dhisaysa wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe.

27. april 2010 

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Wadada dheer ee isku xirta gobalada Mudug iyo Nugaal oo dhib badan ka muuqda ayaa laga bilaabi doonaa dhisme ay sameynayaan Puntland iyo dawladda Japan oo bixisay dhaqaalaha ku baxaya dhismaha wadadan.

 

Dadka ku safra wadadan oo inta badan dhibaatooyin ka soo gaareen, maadaama ay wadadu aad uburbursan tahay ayaa aad usoo dhaweeyey mashruuca lugu dhisayo wadadan oo ay sheegen in ay taageersan yihiin.

 

Dawladda Japan ayaa bixisay dhaqaale wax badan ka qaban kara wadadan, oo ah mid jajab badan ku jiro, waxaana lacagtaas lasoo mariyey Hay’ada ILO oo ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midowbay, iyadoo fulintiisa ay leedahay Hay’ada Wadooyinka Puntland ee NESHA.

 

Puntland ayaa sheegtay in dhismaha wadadan uu ka mid yahay mashaariicda faraha badan ee ka hirgaliya deegaanada Puntland ee Soomaaliya, waxa ayna sheegtay in uu sidoo kale socdo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

 

Maamulka Puntland & Qaramada Midowbay ayaa dhawaan ku heshiisyay mashaariic kala gedisan, markii ay mudo maalmaha dood adag ku lahaayeen caasumada Puntland ee Garowe, waxaana ka mid ahaa qodobada laga doodayay dhismaha Dekeda Bosaso, Garoonka Gaalkacyo iyo Wadada isku xirta Gaalkacyo & Garoowe.

 

Maamuladii hore ee soo maray Puntland ayaa lugu eedeyey mudo dheer in ay waxba ka qaban waayeen xaaladaha wadadan, isla markaasna ay balan qaadyo badan oo ay sameeyeen ay waxba ka socon waayeen, balse looga baahan yahay Maamulkan hada jooga in ay wadadaas dhameystiraan dhismaheda, aana sidaas looga tagin ee gacanta lugu hayo.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Good News. What happened to the promise by the Italian government to reinstate an old contract that was to complete an unfinished project on a network of roads, one connecting Erigavo-Bosaso and another Bosaso-BanderBeila?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Nassir, there is some confusion regarding the Italian, EU deal. Which as you said was supposed to build a new road in Sanaag and expand the port of Bossaso. Some of my sources, say everything is on and the projects should start soon, others say there has been a delay due to the TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

This is great news. NESHA is starting to lift it's weight lately. Most notable among their projects completed have been the lafagoray road caluula-hafun. They completed the galkayo-cagaarane road earlier this year. They have done number of feeder roads in nugaal area and garowe parts.

 

Now the galkayo to garowe road will be an excellent initiative if they can do that, this will lessen car accident rates which are awfully increasing lately.

 

These donor organizations seem to be lifting their weight lately after last month it was revealed that they would be held accountable for what they do and don't do for the state progress.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

As for the Italian donor gig there hasn't been much talk on that lately, the last I heard about it was at galkayo accord signing earlier last year.

 

There is mainly 3 huge khilaafs between punt and the tfg.

 

1. Naval base deal

2. Foreign Investment for Puntland

3. Oil Deal

 

This being somalia i think farole is playing it safe. Getting naval base was more important and priority for puntland because it was going to jabuti and the tfg only.

 

As for these development and oil project they are not as urgent as the naval base because noone can take those development projects and oil from puntland, but nevertheless farole will most definitely pursue it as it is critical for puntland progress.

 

I think reading that 2 airports in that deal also. I hope those 2 airports are given to laska and Badhan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Hay’adda Dayactirka Wadooyinka Puntland ee NESHA oo Ka Warbixisay Howlaha ay Wado(Sawiro)

 

April 23, 2010

 

Hay’adda qaabilsan Dayactirka iyo weliba dhismaha Wadooyinka Puntland ee marka magaceeda lasoo gaabiyo la yirahdo NESHA ayaa sheegtay in howlo dayactir ah ka samaynayo wado u dhaxeysa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland iyo Tuulada la yirahdo Rabaable ee ku taalla duleedka Koonfureed ee Garoowe.

 

Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa dhowaan ka dhacay Kulan ay Hay’adda soo qaban qaabisay kaas oo looga hadlaayay waxyaabaha u qabsoomay tan iyo markii ay bilawday howlaha dayactirka wadooyinka ayadoo ay sheegtay in meel gabo gabo ah ay u marayaan howlahaasi.

 

Masuul ka tirsan Hay’addas oo lagu magacaabo Cabdninuur GaadYare oo la hadlaayay Horseed Media kulankaasi ka dib ayaa sheegay in Hay’adda ay dadaal weyn ka wado wadooyinka ku yaalla degaanada Puntland.

 

Wuxuuna hadalkiisa ku daray in howlahaasi dayactirka markii ay soo dhamaadan ay qaban doonaan munaasabad ay kusoo bandhigayaan waxqabadkoodi.

 

Mr.Cabdinuur ayaa xusay in Hay’addu ay fursad shaqooyin ah ay u fidinayso dhalinyarada isla markaana talaabadaas ay qayb ka tahay himilooyinkooda.

 

Hay’adda NESHA ayaa iyadu si aad ah u dayactirtay wadada laamiga isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo kaas oo ka muuqatay burbur aad u baaxad weyn.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe,Puntland

 

NESHA-1.jpg

 

NESHA-3.jpg

 

Masuul-ka-tirsan-Hayadda-NESHA.jpg

 

NESHA-2.jpg

 

Wasiirka-Qorsheynta-Puntland.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cowke adeer, dont worry the oil deal is on track & has nothing to do with the TFg agreement, nor requires it.

 

The companies have already made their moves.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this