Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federalka iyo Qaramada Midoobay oo Ka Shiray Muwaadiniinta Ku Go’doonsan Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   
Shirka Taageerada iyo joogteynta Daadgureynta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Suudan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Joogtada, Qaramada Midoobay, Ergayga Soogalootiga, iyo Xoghayaha Joogtada oo lagu qabtay Muqdisho, kulanka ayaa ahaa mid ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha dibadda.
Shir looga hadlayay dadaalada daadgureynta muwaadiniinta. Soomaaliyeed ee laga samatabixinayo dagaalada iyo dalalka deriska oo ay ku qaxeen ayaa maanta lagu qabtay Dhismaha VIP-da Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saaray muwaadiniinta ku go’doonsan dalka Sudan oo ay ka socdaan  dagaallo.
Kulankan oo uu shir Guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS mudane Abshir Cumar Haruuse soona qabanqaabisay Ergayga Madaxweynaha DFS ugu qaabilsan Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta danjire Maryan Yaasiin Xaaji, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Xamza Aadan Xaadoow, wakiilada hay’adaha IOM, UNHCR, WHO, UNFPA, UN,-OCHA.
Dowladda Federalka Soomaaliya  ayaa todobaadkani soo daadgureysay ku dhowaad 312-qof oo isagu jira dhalinyaro, haween iyo caruur. Kuwaasoo bilowgii dagaalka Suudaan u cararay xuduudaha Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, waxaana sidoo kale jira muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku go’doonsan gudaha Sudan, halka kuwa kale ay gaareen South Sudan iyo dalka Masar oo daris la ah Sudan oo lagu dagaalamayo.344849558_959802905360168_18270946834642
344192901_175326461764107_29063448966170
344796346_605804271516988_40105852231708
344810277_173692935629904_38849311775867
344740888_950529762806341_32536057515398
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this