Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo ku dhawaaqay qiimaha Xajka ee sannadkan

Recommended Posts

Deeq A.   
Roobka-iyo.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kaddib markii  meesha laga saaray musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.

Mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa arrintan kaga dhawaqey qiimaha Xajka sanadkan 1444/2023 munaasabad ka dhacdey Xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga dhigay 4,484.539 Dollar.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku sharfey inuu asaga si rasmi ugu dhawaaqo qiimaha xajka ee sanadkan iyo shirkadda diyaaradaha ee ku guuleysatey daabulka xujeyda Soomaaliyeed.

Iyadoo munaasabadaasi ay goob joog ka ahaayeen, xubno ka socdey Guddiga Awqaafta iyo Cadaalada BFS, Wakiilada xamladaha shirkadaha  adeega xajka iyo qaar kamid ah xubnaha guddiga adeega xajka ee Wasaaradda.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo ku dhawaaqay qiimaha Xajka ee sannadkan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this