Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Muqdisho oo qabtay nin ku eedaysan dilka wiil uu dhalay oo lix sano jir ah

Recommended Posts

Deeq A.   
202353638186786995674944.jpg?resize=660%

Ciidanka Booliska saldhiga degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dilka wiil uu dhalay oo da’diisa lagu sheegay lix sano jir.

Maxamed Cali Cilmi oo da’diisu tahay 45 sano jir ayaa ku eedaysan in uu degmada Heliwaa ku dilay saqiir uu dhalay oo da’diisu tahay lix sano jir kadib markii uu toorrey la dhacay.

War kooban oo ka soo baxay Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hadda baaris lagu hayo edaysanaha islamarkaana sharciga la marin doono.

“Eedeysanaha, waxaa ku socota baaris, wuxuu wajihi doonaa Maxakamada Awooda u leh si sharciga loo waafajiyo” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Booliska Muqdisho oo qabtay nin ku eedaysan dilka wiil uu dhalay oo lix sano jir ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this