General Duke Posted May 14, 2006 Urur Sheegtay Mas'uuliyada Qaraxii xalay lala Beegsaday Xarunta Consyern ee Magaalada Marka Posted to the MOL May 14, 2006, 9:38 am Marka:-Waxaa xalay abaarihii 7:00 fiidnimo lala beegsaday Bamgacmeed xarunta hay'adda Conseyrn ee ku tiilay magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose iyadoo halkaasina aysan waxba ku noqon shaqaalihii ama mas'uuliyiintii hay'addaasi oo la sheegay inay ku jireen gudaha. Qaraxan ayaa qeyb ka ahaa qaraxyo is daba joog ah oo maalmihii ugu dambeeyay lala beegsanayay goobo muhiim ah oo ku yaala xarunta gobolkaasi ee Marka kaasoo qaraxii midkan ka horeeyey lala beegsaday xarunta idaacadda Hornafrik ay ku leedahay halkaasi iyo sidoo kale saldhiga Booliska degmada, iyadoo maamulkuna uu ku soo rogay magaalada Bandow habeenkii ah. Qaraxyadan ayaa waxaa sheegtay urur la baxay New Biiram oo la sheegay inay aasaaseen dhalinyarada beesha Biyamaal ee degta dhulkaasi, waxaana u hadlay ururkaasi nin sheegay inuu yahay xoghayahooda oo lagu magacaabo Maxaad C/llaahi Siciid “Anaga ayaa ka dambeyna qaraxyada ka dhacaya magaalada Marka iyo dhamaan gobolka Sh/hoose waxaana diidanahay caburinta maamulka xoog ku qabsaday dhulkeena, waxaana digniin u jeedineynaa dhamaan hay'addaha inay ka baxaan gobolka†ayuu yiri xoghaye Maxaad oo intaasi ku daray in aysan joojin doonin qaraxyada ay wadaan. Waa markii ugu horeysay ee qarax ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya ay sheegtaan koox marka laga reebo dhulalka reer ********iya, waxayna arrintani utun ku noqoneysaa maamulka gobolka Sh/hoose ee uu madaxda u yahay Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde. Maxamed C/qaadir Khalaf Galkacyo, Puntland, Somaliya. Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites