Sign in to follow this  
General Duke

Attacks in Marka- is Inda cade in trouble?

Recommended Posts

Urur Sheegtay Mas'uuliyada Qaraxii xalay lala Beegsaday Xarunta Consyern ee Magaalada Marka

Posted to the MOL May 14, 2006, 9:38 am

 

 

Marka:-Waxaa xalay abaarihii 7:00 fiidnimo lala beegsaday Bamgacmeed xarunta hay'adda Conseyrn ee ku tiilay magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose iyadoo halkaasina aysan waxba ku noqon shaqaalihii ama mas'uuliyiintii hay'addaasi oo la sheegay inay ku jireen gudaha.

 

Qaraxan ayaa qeyb ka ahaa qaraxyo is daba joog ah oo maalmihii ugu dambeeyay lala beegsanayay goobo muhiim ah oo ku yaala xarunta gobolkaasi ee Marka kaasoo qaraxii midkan ka horeeyey lala beegsaday xarunta idaacadda Hornafrik ay ku leedahay halkaasi iyo sidoo kale saldhiga Booliska degmada, iyadoo maamulkuna uu ku soo rogay magaalada Bandow habeenkii ah.

 

Qaraxyadan ayaa waxaa sheegtay urur la baxay New Biiram oo la sheegay inay aasaaseen dhalinyarada beesha Biyamaal ee degta dhulkaasi, waxaana u hadlay ururkaasi nin sheegay inuu yahay xoghayahooda oo lagu magacaabo Maxaad C/llaahi Siciid “Anaga ayaa ka dambeyna qaraxyada ka dhacaya magaalada Marka iyo dhamaan gobolka Sh/hoose waxaana diidanahay caburinta maamulka xoog ku qabsaday dhulkeena, waxaana digniin u jeedineynaa dhamaan hay'addaha inay ka baxaan gobolka†ayuu yiri xoghaye Maxaad oo intaasi ku daray in aysan joojin doonin qaraxyada ay wadaan.

 

Waa markii ugu horeysay ee qarax ka dhacay gudaha dalka Soomaaliya ay sheegtaan koox marka laga reebo dhulalka reer ********iya, waxayna arrintani utun ku noqoneysaa maamulka gobolka Sh/hoose ee uu madaxda u yahay Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad Indhacadde.

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo, Puntland, Somaliya.

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this