Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dalalka Soomaaliya iyo RUUSHKA oo iskaashi cusub yeelanaya + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   
344752251_765977218245095_40240063036452

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo dardar-gelinta iskaashi cusub oo dhex-mara golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kan Raashiya.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa ugu horreyn guddoomiyaha la wadaagagay warbixin ku saabsan halka uu marayao xiriirka labada dal, isaga oo xusay in dowladda Raashiya ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo istaraatiiji ah.

Sidoo kale waxa uu danjiraha u sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi inay go’an tahay dowladdiisa xoojinta xiriirka labad dal iyo iskaashi dhex-mara golayaasha Baarlamaanka labada dal.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa danjiraha la wadaagay xiriirkii soo jireenka ah oo ay lahaayeen Soomaaliya iyo Raashiya, iyo weliba sida ay uga go’an tahay Soomaaliya inay dalalka caalamka la yeelato iskaashi mira-dhal ah oo ku dhisan is-qaddarin iyo wax-wada-qabsi aan mugdi ku jirin.

Dhinaca kale, Danjiraha Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Amb. Mikhail Golovanov ayaa la kulmay guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Ruushka, iyada oo safiirka uu dhambaal salaan ah oo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ruushka Mudane Vyacheslav Volodin soo gaarsiiyay guddoomiyaha, isagoona sheegay in la xoojiyo cilaaqaadka labada dal.

Sidoo kale Danjire Mikhail Golovanov ayaa xusay in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb-galeen shirka Baarlamaanka Ruushka iyo Afrika, kaasi oo looga hadlay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Afrika iyo Ruushka, si loo adkeeyo wada-shaqeynta wadamada Afrika iyo Ruushka.

344752251_765977218245095_40240063036452

344745487_3483827078521329_5428724579734

344794779_1396917004454429_3755955500762

344761030_943494343651931_46977336842966

344748330_763560198606723_28636884383215

344390995_614145200748864_52001635240026

344613712_902198514184997_83725129294550

343992634_3492982764291669_5017260700728

344877786_207883212013956_79269522602164

344575848_694478825770531_42556906908241

The post Sawirro: Dalalka Soomaaliya iyo RUUSHKA oo iskaashi cusub yeelanaya + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this