Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo shaacisay inay iibisay kalluun lagu soo qabtay shirkado ajnabi ah

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay iibisay kaluun si sharci darro ah doomo ajnabi uga kalluumeysteen xeebaha Soomaaliya, oo ay gacanta kusoo dhigtay.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo hore u baahisay iibinta kaluunkan ayaa waxay ugu dambeyn caawa shaacisay inay iibisay kaluunkaasi oo ahaa ku dhawaad 30 tan, kaasi oo dhawaan lagu soo qabtay doomo si sharci daro ah uga kaluumeysanayay xeebaha dalka.

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa maxkamadda gobolka Banadir 16-04-2023 horkeenay 36 eedaysane, oo lagu eedeeyay kalluumaysi sharci darro ah, eedaysaneyaasha ayaa watay 2 doon oo ay saarnaayeen kalluun lagu qiyaasay xilligaas ku dhawaad 30 tan,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Maxkamadda ayaa sheegtay in eedaysanayaasha ajaanibta ah ay u dirtay xabsi, si waafaqsan qoddobka 39 xeerka habka ciqaabta.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maxkamadda “Halka kalluunkii lagu qabtay eedeysanayaasha oo noqday markii la miisaamay 24.850 tan (Labaatan iyo Afar Tan siddeed Boqol iyo konton kiilo) oo ah hanti u nugul isbeddel ku yimaado ay maxkamaddu ku iibisay TR.24-04-2023 habka maadada waafaqsan qoddobka 131 (B) ee Xeerka Lr.84 ee soo baxay 12-12-1972, Xeerka wax ka beddelka xeerka habka ciqaabta oo lala akhriyay qoddobada 373,374 iyo 375 ee xeerka habka madaniga.”

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa hore u sameysay sharuudo iyo hanaan loo marayay iibinta kalluunkaas, waxaana shirkadaha kala ah; Fatwo Fiish iyo Sardiin Fish ay buuxin waayeen sharuudaha, sidaasi darteed Somali Seafood ayaa ku guuleystay in laga iibiyo kalluunka kadib markii ay buuxisay dhammaan hannaankii loo qabtay, sida lagu yiri warqad kasoo baxay maxkamadda.

“Kalluunkaas halkii kiilo oo kamid ah waxaa lagu iibiyay 0.4 USD, qarashkii kasoo baxay ayay maxkamaddu hayn doontaa inta dacwadaasi kama dambays noqoneyso, waxaana looga go’aan gaari doonaa si waafaqsan qoddobka 131/C ee xeerka wax ka beddelka habka ciqaabta iyo qoddobka 183 ee xeerka ciqaabta.”

Kaluunkan ay iibisay dowladda ee sida sharci darada ah looga kaluumeystay xeebaha Soomaaliya ayaa kala ah; nooca loo yaqaano White Tuna iyo Daamberi, sida kal hore lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Maxkamadda kaasi oo ujeedkiisu ahaa iibin Kaluun.

Waa markii u horeysay ee maxkamadda gobolka Banaadir ay si shaacsan u iibiso kaluun si sharci daro ah looga kaluumeystay xeebaha Soomaaliyada, ayada oo dhawaan ay dowladda gacanta kusoo dhigtay doomo si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Doomahaasi oo tiradoodu dhameys laba, ayaa waxay dowladdu sheegtay in ka badan 30 sano inay si sharci darro ah ay uga kalluumeysanayeen badda Soomaaliya, kuwaasi oo laga lahaa dalka Iiraan.

Si kastaba, Ciidanka badda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ay ku raadinayaan maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya, xilli ay digniin culus kasoo saartay dowladda federaalka ah kaluumeysiga sharci darada.

The post Dowladda oo shaacisay inay iibisay kalluun lagu soo qabtay shirkado ajnabi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this