Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Dowladda Ruushka?

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti Amb. Mikhail Golovanov.
Guddoomiyaha iyo danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka labada baarlamaan ee dalalka Soomaaliya iyo Ruushka. Safiirka ayaana dhambaal salaan ah oo uu ka siday Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ruushka Mudane Vyacheslav Volodin soo gaarsiiyay Guddoomiyaha, isagoona sheegay in la xoojiyo cilaaqaadka labada dal.
Sidoo kale Danjire Mikhail Golovanov ayaa xusay In xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qeyb galeen Shirka Baarlamaanka Ruushka iyo Afrika, kaas oo looga hadlay xiriirka Saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Dawladaha Afrika iyo Ruushka si loo adkeeyo wada shaqeynta wadamada Afrika iyo Ruushka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this