Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay Cindy McCain

Recommended Posts

Deeq A.   
villa1.jpg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso agaasimaha fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) Marwo Cindy McCain.

Madaxweynaha iyo Cindy ayaa kulankaan waxay uga wada-hadleen horumarinta barnaamijyada cunnada Soomaaliya iyo taageerada hay’adda cunnada adduunka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale waxay kulankaan diirada ku saareen labada masuul wax ka qabashada caqabadaha ka dhashay saameynta isbedelka cimilada ee ku saaban cunna yarida, taasi oo ay qeyb ka ah waxyaabaha ay la daala dhaceyso Soomaaliya.

Agaasimaha fulinta ee hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) Marwo Cindy McCain ayaa dhankeeda bogaadisay dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku bixineyso barnaamijyada tayeynta cunnada.

Waxay sidoo kale u ballan-qaaday madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud in WFP ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ka taageeri doonaan in ay gaaran isku fillaansho buuxda.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay muddooyinkii dambe ay sare u qaaday dowladda federaalka Soomaaliya wada-shaqeynta WFP, gaar ahaan arrimaha bini’aadantimo, iyada oo labada dhinac ay hore u kala saxiixdeen heshiis maaliyadeed oo wax looga qabanayo dadka nugul.

Si kastaba, Soomaaliya oo xilligaan ku jirta dagaal ka dhanka ah kooxaha argagixisada, ayaa sidoo kale waxaa ka jirta abaar saameyn taban ku reebtay in ka badan 8 Milyan oo ruux, oo ay kamid yihiin 2.5 Milyan oo xaalad nafaqo darro ku heysato gobolada dalka.

villa1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

villa2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

villa3.jpg?resize=696%2C553&ssl=1

villa4.jpg?resize=696%2C551&ssl=1

villa5.jpg?resize=696%2C422&ssl=1

villa6.jpg?resize=696%2C458&ssl=1

villa7.jpg?resize=696%2C517&ssl=1

villa8.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay Cindy McCain appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this