Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh:Waxaa Iga Go’an In aan Dib Loogu Looban Teendhadii Afisyooni”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dowladnimada iyo waxqabadkiisa sannadkii tagay ayaa sheegay in doorashada soo aadan aan lagu laaban doonin Afisyooni.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in doorashada ka shaqeynteeda ay ay bilaabi doonaan sanadkaan 2023, taas oo uu sheegay in looga golleeyahay inaan waqtiga doorashada isqabsi imaanin, laakiin meesha kama saarin in loo baahan yahay wadashaqeynta dowladda iyo dowlad goboleedyada si looga gaaro hadafka doorasho qof iyo cod.

“Waxaa iga go’an in aynan ku laaban hoolkii Afisyoone, dowladda qorshe ayaa uga deggan doorashada qof iyo cod. Maanta ayaa bilaabaynaa geeddi socodka 2026-ka. Dadkii Hoolka dadka ku dooran lahaana waa in aysan u laaban Jufo hebeley wakiilladiina keena, waa ku talo jirnaa qorshe cad ayaa dowladda uga degan” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ayaa 10-kii September 2012 maalinimo Isniin ah waxaa lagu doortay Teendhada Afisyooni, waxaana  xildhibaannadii doortay soo xulayay Odayaal dhaqameedyo, taas oo aheyd nimaad ay ku heshiiyeen saamileyda siyaasadda dalka xilligaas talinaysay.

Doorashadii xigtay ayaa markale waxaa la isugu tagay doorashadii 2017 8-dii February, markaas oo la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana xilligaas doorashada Xildhibaannada lagu soo xulay ergo ka kooban 51, kuwaas oo markale Teendhada Afisyooni ku doortay madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xilka kala wareegay madaxweynihii uu xilka ku wareejiyay, isaga oo markale dib loo soo doortay, waxaana doorashadii madaxweynaha 15-kii May 2022, xildhibaannadii doortay soo xulay Ergo ka kooban 100 xubnood, kuwaas oo 50 ka badan tii ka horeysay. iyadoo  Afisyooni lagu soo khatimay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federlka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inaan dib loogu laaban teendhadii sedexda xilli lagu doortay madaxda dalka, waxaana sidoo kale uu carabka ku dhuftay in  ay muhiim tahay wadashaqeynta madaxda dowladda iyo sidoo kale dowlad goboleedyada.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this