Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Soomaaliya oo duleedka Xarardheere ku dilay 60 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Milatariga Soomaaliya ayaa saaka hawlgal qorshaysan oo uu ka fuliyay duleedka degmada Xarardheere ku dilay in ka badan 60 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Kulmiye ayaa wareysi uu siiyay Telefishka dowladda (SNTV) ku xaqiijiyay warkaas.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hawlgalkaas laga fuliyay degaanka Ceel-qaboobe oo qiyaastii 30km dhanka koonfur kaga beegan degmada Xarardheere.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hawlgalkaas Al-shabaab lagaga furtay hub iyo gaadiid dagaal oo uga yimid dhanka dalka Yemen.

PUNTLAND POST

The post Milatariga Soomaaliya oo duleedka Xarardheere ku dilay 60 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this