Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo qabsaday kantaroolka Gaalkacyo oo xannibay isu socodka gaadiidka xamuulka ah

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1683014880736.jpg?resize=720%2C48

Ciidamo ka tirsan Puntland oo sida ay sheegeen ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa xirtay kantaroolka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Goob-joogayaal kala duwan oo ku sugan Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in Ciidankaas gadoodsan ay gebi ahaanba la wareegeen kantaroolka magaalada.

Gaadiidka kala duwan ee xamuulka ayaa sidoo kale ku xanniban kantaroolka Gaalkacyo kadib markii ciidanka gadoodsan u diiday in ay gudbaan.

Wararka ayaa sheegaya in halkaas ay ka socoto waan-waan lagu qancinayo ciidanka gadoodsan in ay jidka furaan islamarkaana fasaxaan gaadiidka ku xanniban.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo qabsaday kantaroolka Gaalkacyo oo xannibay isu socodka gaadiidka xamuulka ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this