Sign in to follow this  
Emperor

Mogadishu: A new wave of battle rages in the North of the city

Recommended Posts

Emperor   

Dagaalo u dhexeeya Ciidamada dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda oo goordhow ka qaraxay agaagaarka isgooyska 4-ta jardiino ee degmada Yaaqshiid.

Posted: 5/13/2009 4:43:00 PM

Shabelle: MUQDISHO

 

Dagaalo xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowalada iyo xoogaga ka soo hor jeeda ayaa waxaa uu gordhow ka biloowaday Agagaarka isgooyska 4-ta jardiino kaasi oo ku sii fiday suuq Bacaad.

 

 

 

Dagalka oo ah mid aad u xoogan isla markaana daryanka madaafiicda la isku weydaarsanayo laga maqalayo magaalada inteeda kale ayaa waxaa wararaka ka imaanya Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ay sheegayana in dagaalka uu u durqay dhanka Isgooyska Toowfiiq ee degmada Yaaqshiid.

 

 

 

Illaa iyo hada ma cada sida uu dagaalkaasi ku biloowaday iyo qasaaraha ka dhashay,waxaana dagaalkani uu qeyb ka yahay dagaalo in dhawaalaba ciidamada kala taabacsan labada dhinac waa dowlada iyo xoogaga ka soo hor jeeda ku dhex marayay magaalada Muqdisho.

 

 

 

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco shabelle.net hadii uu illaah inoo saamaxo.

 

 

 

Shabelle Media Network - Source of Somalia News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Muqdisho:Dagaalo ka qarxay Gor dhaw W/Muqdisho xaafada ka mid ah

13. maj 2009

 

APL

 

 

Print This Article | Daabaco warkaan

Muqdisho(AllPuntland )-dagaalo ayaa ka qarxay xaafada ka tirsan degmada Yaaqshid ee w/Muqdisho .

 

dagaladaas ayaa ku bilawday markii ciidamada dawlada ee dareeska cusub loo xiray ay dhaqdhaqaaq bilaabeen oo ay socod ku tagaan meel ku dhaw saldhig ay joogen xoogaga mucaradka.

 

dagaalada oo leh waji sii kululaanaya ayaan la ogeyn khasaaraha ay geysteen , waxaana ay ku soo aadeen xili shalay qaab qabil xal loogu helay

 

wixi ku soo kordhaa la soco

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this