Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Banaadir Amarro Kasoo Saaray Ka Ganacsiga Maandooriyaha

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Mabnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka’kuwaas oo qeyb ka ah waxyaabaha maanka dooriya oo maamulku dagaal kula jiray muddooyinkii dambe.
Amarkan ayaa Duqa Magaalada Muqdisho ka sheegay kulan uu Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula qaatay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka  Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).
Hadalka guddoomiyaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe maamulka gobolka ay howlgallo ka wadeen caasimadda, kaas oo lagula dagaalamayay waxyaabaha maanka dooriya, waxaan marar badan meelo fagaaro ah lagu gubay waxyaabo kale duwan oo ciidanka ammaanka ay kusoo qabteen howlgallo la fuliyay.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this