Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta kulan dhex-maray MADAALE iyo ganacsatada goobihii la xiray + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
madaale.jpg?fit=1920%2C1280&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay ganacsatadii laheyd xarumihii dhawaan uu xiray maamulka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shalay si deg deg ugu yeeray ganacsatadan, waxaana maanta si gaar ah u qaabilay Guddoomiye Madaale, iyada oo oo hay’addaha dowladda ay fasax yihiin.

Ganacsatadan ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir la wadaagay Shatiga ay hore uga qaateen dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo ay ku furnaayeen goobahooda ganacsi, kahor inta uusan soo xiran maamulka gobolka.

Guddoomiya Madaale ayaa waxa uu ganacsatada la wadaagay in mabnuuc ay tahay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka, sidaas darteed ay tahay in markale aan waxyaabahaasi lagu arkin goobahooda ganacsi.

Sidoo kale waxa uu amray guddoomiyaha gobolka Banaadir in xilliga habeenka wixii ka dambeeyay 12:00 habeenimo aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo.

Kulankan uu guddoomiye Madaale la qaatay ganacsatadan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hore shatigii kala laabatay dhamaan maqaayadaha iyo hoteellada ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Hoteellada iyo maqaayadaha lagala laabtay shatigii ganacsi ee ku shaqeynayeen ayaa waxa uu maamulka gobolka xilligaasi sheegay in laga diiwaan-galiyay falal isugu jira anshax xumo, dilal iyo dhac dadweyne.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaya xilli ay caasimada ka socdaan howl-galo lagula dagaalamayo maandooriyaha, islamarkaana uu maamulka gobolka amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah anshaxa.

madaale.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 343729403_1630144327483987_3174116844753 344383004_139584032335416_73904327133407 344551892_650931360202764_59668369890438 344091410_937043977445514_58205261658666

The post Xogta kulan dhex-maray MADAALE iyo ganacsatada goobihii la xiray + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this