Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Turkiga oo dilay Hoggaamiyihii Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Axaddii sheegay in ciidamada sirdoonka Turkiga ay Suuriya ku dileen hoggaamiyihii Daacish Abuu Xuseen Al-Qurashi.

“Hawlgal ay hay’adda Sirdoonku shalay ka fulisay Suuriya ayaa lagu dilay shakhsigan,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyay TV-ga TRT Turk.

Erdogan ayaa sheegay in hay’adaha Sirdoonku ay muddo dheer ku daba jireen Qurashi.

Ilo deegaanka ah iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya.

IS ayaa al-Qurashi u dooratay hoggaamiye bishii November 2022 kadib markii hoggaamiyihii hore ee IS lagu dilay hawlgal ka dhacay koonfurta Suuriya.

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Turkiga oo dilay Hoggaamiyihii Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this