Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhinacyada ku dagaallamay Sudan oo kordhiyay wakhtiga xabbad-joojinta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa markale ku heshiiyey inay kordhiyaan heshiiskii xabbad-joojinta ahaa oo ku ekaa habeenimadii Axadda, iyaga oo haatan markale kordhiyey illaa 72 saacadood oo kale.

Inkasta oo ay gaareen heshiis xabbad-joojin ah, haddana labada dhinac ayaan si rasmi ah u dhaqan gelin. Heshiiskan xabbad-joojinta ah ayaa loogu talo galay inuu dadka shacabka ah u furo marin ammaan ah oo ay kaga baxaan goobaha ay ku go’doonsan yihiin iyo in gargaarka bini’aadanimo la gaadhsiiyo dadka u baahan.

Hase ahaatee waxaa weli sii socda dagaalka u dhexeeya labada dhinac, iyada oo daraf waliba uu dhinaca kale ku eedaynayo inuu ku xadgudbay heshiiska.

Dalka Ingiriiska ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay samaynayso daadgurayn cusub oo ay muwaadiniinta dalkooda kaga soo saarayaan dalka Sudan.

PUNTLAND POST

The post Dhinacyada ku dagaallamay Sudan oo kordhiyay wakhtiga xabbad-joojinta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this