General Duke Posted February 18, 2008 Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska oo maanta kormeer ku tagtay Xarunta Wasaarada Haweenka Ex Gurigii Ururka Haweenka.. FEB 17 2008 Radiofreesomalia.com Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta booqasho ku tagtay Xarunta Wasaarada Horumarinta Qoyska ex Gurigii Ururka Haweenke ee Degmada Xamar Weyne. Kormeerkan ayaa ahaa mid ay ugu kuur galeysay Wasiirada dhismaha Xarunta Wasaaradaas oo bur bur soo wajahay, xilliyadii Dagaalada, waxaana ay maanta ay mid mid u gashay xafiisyadii Gurigii Ex Ururkii Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana iminka noqonaya Xarunta Wasaarada ay ku howl galeyso. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa waxaa kormeerkeeda ku wehliyay Xildhibaanada Haweenka Baarlamaanka iyo haweeno ka socday Ururada Haweenka Magaalada Muqdisho Mar ay saxaafada la hadashay ayaa sheegtay Xarunta Wasaarada uu soo gaaray bur bur aad u weyn, isla markaana loo baahan yahay in dayactir ballaaran lagu sameeyo, iyadoona Hey'addaha Deeqaha bixiya ugu baaqday sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dayactirka dhismaha Xarunta Wasaarada Haweenka. Dadka degan Dhismaha Xarunta Wasaarada Haweenka ayay ugu baaqday in muddo 10 cisho ah ugu guuraan, iyadoona sheegtay dhismaha Guriga uu yahay hanti dowladeed. Xarunta Wasaarada Haweenka ex Gurigii Ururkii Haweenka ayaa waxaa degan dad qaxooti u badan, iyadoona qeybo ka mid ah Dhismaha Xaruntana ay ka furan yihiin mehrado ganacsi, kuwaasoo ay maanta soo kormeertay Wasiirada Quote Share this post Link to post Share on other sites