Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: The TFG minister for women affairs visits PICS

Recommended Posts

Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska oo maanta kormeer ku tagtay Xarunta Wasaarada Haweenka Ex Gurigii Ururka Haweenka..

 

FEB 17 2008 Radiofreesomalia.com

 

Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta booqasho ku tagtay Xarunta Wasaarada Horumarinta Qoyska ex Gurigii Ururka Haweenke ee Degmada Xamar Weyne.

 

Kormeerkan ayaa ahaa mid ay ugu kuur galeysay Wasiirada dhismaha Xarunta Wasaaradaas oo bur bur soo wajahay, xilliyadii Dagaalada, waxaana ay maanta ay mid mid u gashay xafiisyadii Gurigii Ex Ururkii Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana iminka noqonaya Xarunta Wasaarada ay ku howl galeyso.

 

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ayaa waxaa kormeerkeeda ku wehliyay Xildhibaanada Haweenka Baarlamaanka iyo haweeno ka socday Ururada Haweenka Magaalada Muqdisho

 

Mar ay saxaafada la hadashay ayaa sheegtay Xarunta Wasaarada uu soo gaaray bur bur aad u weyn, isla markaana loo baahan yahay in dayactir ballaaran lagu sameeyo, iyadoona Hey'addaha Deeqaha bixiya ugu baaqday sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dayactirka dhismaha Xarunta Wasaarada Haweenka.

 

Dadka degan Dhismaha Xarunta Wasaarada Haweenka ayay ugu baaqday in muddo 10 cisho ah ugu guuraan, iyadoona sheegtay dhismaha Guriga uu yahay hanti dowladeed.

 

Xarunta Wasaarada Haweenka ex Gurigii Ururkii Haweenka ayaa waxaa degan dad qaxooti u badan, iyadoona qeybo ka mid ah Dhismaha Xaruntana ay ka furan yihiin mehrado ganacsi, kuwaasoo ay maanta soo kormeertay Wasiirada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this