Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Ergayga Arrimaha Somaliland iyo Safiirka Midowga Yurub?

Recommended Posts

Deeq A.   
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Safiirka Midowga YURUB Mrs Tiina Intelmann oo ay ka wadahadalleyn sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo Wadahadallada Dowladda FS & Somaliland.
Ergayga ayaa Safiiradda uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadallada Somaliland, waxaana uu la wadaagay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somaliland, waxaana uu qiray sida ay kaga go’an tahay dowladda Federalka Arrintaan.
 Mrs Tiina Intelmann  ayaa Dhankeedamuujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya miiska wadahadalka la isugu keenayo.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this