Sign in to follow this  
Deeq A.

123 muwaadiniin Soomaali ah oo ku xannibnaa wadanka Suudaan oo maanta dalka lagu soo celiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Arday, 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay Muqdisho halka 45 laga dajiyay Magaalada Garoowe.

Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa ee Caasimada dalka Ethiopia.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay 78 ruux halka Garoowe ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Waa markii labaad ee dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo bara baxay dagaalada ka socda dalka Sudan waxaana ay horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Sudan.

PUNTLAND POST

The post 123 muwaadiniin Soomaali ah oo ku xannibnaa wadanka Suudaan oo maanta dalka lagu soo celiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this