Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe iyo Mustafe Cagjar oo kulan gaar ah ku yeeshay Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1682832690432-1.jpg?resize=720%2C

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa halkaas ka wada kulamo siyaasadeed.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida DDS Mustafe Muxumed Cumar.

Kulanka ayaa ku bilowday Casha sharaf uu Madaxweynaha Dowlad Degaanka Mustafe Cagjar u sameeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe

Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegtay in Kulanka looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee Amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaag Khibradaha kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe iyo Mustafe Cagjar oo kulan gaar ah ku yeeshay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this