Sign in to follow this  
Deeq A.

“Farmaajo wuu ku saxsanaa markii uu isku dayay in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Waa Nacas Weyn” Faysal Cali Waraabe

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay in uu yahay nacas wayn kadib markii uu siyaasigu xukuumada Somaliland ku dhaliilay sida ay uga jawaabtay kacdoonka Laascaanood.
Faysal Cali Waraabe ayaa si deg deg ah uga jawaabay qoraal uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku baahiyay bartiisa Facebook, oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay gabaadfalo ka gaysatay magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in anay sax ahayn in reer Laascaanood lagu qasbo midnimada Somaliland.

Kadib qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka tilmaamay in madaxweyne Farmaajo uu ku saxsana in uu isku dayo in uu dilo Cabdiraxmaan Cabdishakuur isaga oo ku sifeeyay nacas wayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this