Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Ku Geeriyooday Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed Ee magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Allah Ha U Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku Geeriyooday  Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed Ee magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Digaale.

#Hargeisa-Allah ha u Naxariistee Wiil 18 Jir ah laguna magacaabo Maxamed Cali Faarax ayaa ku Dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Xaafada Digaale.

Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan.

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ku guuleysteen Balligana ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana shacbiweynaha Somaliland ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

Xigasho-Warbaahinta Ciidanka Dab-damiska Somaliland.

990 Gurmadka Degdega ah

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this