Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Dalka Morocco uga Qeybgalaya Shirka Sanadlaha ah Hey’addaha Maaliyadda Carabta 

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka Morocco ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda Carabta. Shirkaan oo ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga Hey’addaha dhaqaalaha dalalka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa la waddaagay Hey’addaha iyo Dowladdaha ka soo qeybgalay shirkaan arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur ayaa sheegay inuu ku booriyay Wasiiradda Jaamacadda Carabta ee dhiggiisa ah iyo Hey’addaha kale ee Maaliyadda Carabta in ay sii waddaan garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo maanta ka furmay magaalada Rabat ee Boqortooyada Morocco. Waxa aan sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda dowladaha iyo kuwa hey’adaha maaliyadda Carbeed, waxa aan warbixin ka siiyay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka.

Waxa aan ku booriyay Wasiiradda Maaliyadda Carabta ee dhiggayga ah iyo Hey’addaha kale ee Maaliyadda ee carbeed in ay sii wadaan garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doono inta uu shirku socodo Wasiirada dhiggiisa ah iyo Madaxda Hey’adaha Maaliyadda Jaamacadda Carabta ee shir ku sugan. Dowladdo iyo Hey’addo dhaqaale oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ku leh Mallaayiin Doollar oo lacago deymo ah.

1W2A3732-scaled.jpeg IMG_1760.jpg IMG_1850.heic IMG_1851.heic W2A3602-scaled.jpg IMG_1760-Copy.jpg 1W2A3732-Copy-2-scaled.jpeg IMG_1760-Copy-2.jpg IMG_1850-Copy.heic IMG_1851-Copy.heic 1W2A3732-Copy-Copy-scaled.jpeg IMG_1760-Copy-Copy.jpgGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this