Sign in to follow this  
Deeq A.

Donald Trump oo wacad ku maray in uu doorashada 2024 kaga adkaan doono Joe Biden

Recommended Posts

Deeq A.   

Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono fowdo haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.

“Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa” ayuu yiri Mr. Trump.

Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.

Shalay, gabar qoraa ah oo ku eedeysay in uu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.

Inkasta oo uu wajahayo dacwado dhowr ah, haddana Trump ayaa codadka ra’yiga si xooggan uga horreeya xubnaha kale ee Jamhuuriga ee tartamaya, si gaar ahna barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis oo ah kan ugu soo dhow.

PUNTLAND POST

The post Donald Trump oo wacad ku maray in uu doorashada 2024 kaga adkaan doono Joe Biden appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this