Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka oo mawjado gantaallo ah ku garaacay dalka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto caasimadda Kyiv ee Ukraine, ayaa waxaa lagu garaacay mowjado gantaallo ah oo ay fuliyeen ciidamada Ruushka.

Magaalada Kyiv, 11 gantaal iyo laba diyaaradood oo weerar ah ayaa lagu soo riday nidaamka difaaca hawada, sida ay saraakiishu sheegeen.

Madaxa maamulka militariga ee magaalada Kyiv ayaa sheegay in tani ay tahay weerarkii ugu horeeyay ee gantaalada Ruushka lagu qaado caasimadda muddo 51 maalmood ah.

Sidoo kale qaraxyo ayaa ka dhacay magaalooyinka Kremenchuk iyo Poltava, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Interfax.

Haweeney iyo ilmo saddex caruur ah ayaa lagu dilay magaalada Dnipro, sida uu sheegay duqa deegaanka,halka la sheegay in shan qof loo qaaday isbitaal.

PUNTLAND POST

The post Ruushka oo mawjado gantaallo ah ku garaacay dalka Ukraine appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this