Deeq A. Posted April 29, 2023 Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka lidka diyaaradaha iyo madaafiicda goobta ayaa Sabtida maanta ah laga maqlaya gudaha magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan. Dagaalka u dhaxeeyay ciidamada militariga Suudaan iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa sii socda inkastoo Jimcihii lagu dhawaaqay in la kordhiyo xabbad joojin soconeysa 72 saacadood. Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka iyadoo tobonnaan kun oo kalena ay naftooda kala baxsadeen colaadda u dhexeysa ciidamada dalkaasi iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF. Ugu yaraan 512 qof ayaa ku dhintay, iyadoo ku dhawaad 4,200 oo qofna ay ku dhaawacmeen dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Suudaan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites