Sign in to follow this  
SOO MAAL

Dowladda Kenya oo xiratay Hoteeladii ay Nairobi ka deganaayeen Xildhibaanada Xamar ku

Recommended Posts

SOO MAAL   

Dowladda Kenya oo xiratay Hoteeladii ay Nairobi ka deganaayeen Xildhibaanada Xamar ku sugan

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Dowladda Kenya ay Albaabada u laabtay qolalkii Hotelada Nairobi ka deganaayeen Xildhibaanada haatan socdaalka ku jooga magaalada Muqdisho.

 

Dhawaaqan ayaa soo baxay maanta,iyadoo uu arrintan xaqiijiyay Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada jooga magaalada Muqdisho,hase ahaate Cumar Xaashi ma sheegin cida ka dambeysa in la xiro qololkii Hotelada Kenya ka deganaayeen.

 

Wararka ayaa sheegaya in aan wax lug ah ama saameyn ah ku yeelan doonin go’aankaas Xildhibaanada jooga Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool,kuwaas oo la sheegay inay siyaasad ahaan taageeran Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo soo laabashadii Madaxweynaha kadib dhinacyadiisa ka waayay Xildhibaanadii lahaa Muqdisho ayaan kula tegeynaa

 

Sabti,April 09, 2005(HOL)@20:00GMT: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka KMG ah Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo dhowaanahaan wax ka waday magaalada Nairobi olole lagu doonayay in aqlabiyadda Xubnaha Baarlamaanka loo raro magaalada Muqdisho oo dhowaan xarun ay ku shiri karaan looga diyaariyay ayay wararka ka imaanaya magaalada Nairobi sheegayaan in uu si-bedel weyn ku yimid qorshaha arrintaas, kadib kolkii uu Guddoomiyuhu dhinacyadiisa ka waayay qaar ka mid ah xubnihii ugu jiray liis heysto ee kula barbar taagnaa in ay ku soo wehlinayaan safarkiisa Muqdisho.

 

Wixii ka dambeeyay soo noqoshadii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayay wararku sheegayaan in uu yimid is-bedelkan xooggiisa, iyadoo la soo werinayo in Arbacadii aynu ka soo gudubnay Xildhibaano badan oo Muqdisho in ay soo aadayaan lagu tiriyay laga waayay Hoygii ay seexanayeen, halka kuwo kalena la soo sheegayo in ay cudur daar ka dhiganayaan in ay dib ka soo bixi doonaan taaso ka dhigtay in safarkii u dambeeyay ay Muqdisho u soo amba baxaan 24 Xildhibaan oo kaliya, iyadoo isku darka guud ee Xildhibaanada Baarlamaanka ee Muqdisho ku sugan ay tahay 39 Mudane, halka kuwa la filayo in ay berri soo baxaana ay wararku sheegayaan in aaney ka badnaan doonin ilaa 20 Xubnood.

 

Is-bedelka arrintan ayaa muujinaya in baarlamaanka ay aad ugu badan yihiin Xubnaha diidan in dowladdu toos u soo degto caasimadda Muqdisho xaaladdeeda nabadgelyo aawadeed, marka laga reebo xubno ay ku jiraan kuwa hubka ku dhex heysta, iyadoo ay sidoo kale tani muujineyso in xubnihii isku raacsanaa diidmada ciidamada dalalka safka hore aaney isku aragti ka ahayn imaatinka Magaalada Muqdisho

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

CUSMAAN CAATO MUXUU UGA HARAY XUBNAHA DHIGGIISA AH EE BERRI MUQDISHO KU SII JEEDA

 

Ma in ay IGAD ganaaxdo ayuu ka baqay mise Qorshe kale ayaa jira?

 

Sabti,April 09, 2005(HOL)@20:00GMT: Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyeynta Md. Cusmaan Xasan Cali (Caato) ayaa la soo weriyay in aanu ka mid noqon doonin Wasiirrada iyo Xildhibaanada berri ku sii jeeda magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax, Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), Bootaan Ciise Caalin iyo kuwo kale.

 

Sababta baaqashadiisa ayay wararku sheegayaan in ay la xiriirto in uu sii wehlin doono Guddoomiyaha Baarlamaanka oo aan qudhiisa la hubin in uu Muqdisho aadi doono iyo in kale, isla markaana uu hoggaamiyayaasha Magaalada Muqdisho ee Wasiirrada ka ah Dowladda Federaalka uu wakiil uga sii ahaan doono dhinaca magaalada Nairobi.

 

Warar kuwaasi ka duwan ayaa sheegaya in Cusmaan Caato uu si weyn isaga ilaalinayo in uu ka mid noqdo Hoggaamiyayaasha ama Wasiirrada ugu horeeya ee uu ku dhaco ganaax kaga yimaada dhinaca Beesha Caalamka, walow ay taasi shaki gelin karto haddiiba ay jirto qorshaha ay wasiirrada ugu soo socdaan magaalada Muqdisho in ay tahay mid ay kaga furteen dowladda ay ka tirsan yihiin ee uu Madaxweynaha ka yahay Md. C/llaahi Yuusuf.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this