Sign in to follow this  
Deeq A.

Koobka Qaramada Qaaradda Afrika oo Maanta Soomaaliya iyo Aljeeriya Lagu Furayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee 17-jirada ah ayaa maanta ciyaaraya kulankoodii ugu horreeyay koobka Qaramada Qaaradda Afrika ee 17 jirada, iyaga oo wajahaya xulka Algeria.

Kulanka ayaa soo dhici doona caawa 10:00 pm ee habeenimo waxaana lagu ciyaari doona Garoonka Nelson Mandela Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Aljaris.

Xulka qaranka ayaa ciyaari doona la’aanta Cabdixafiid Maxamed oo ku haray baaritaanka tijaabada MRI Scan, waxaana xulka kusoo guuleysteen Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Ciyaartooyda xulka qaranka ayaa ku jira Groupka ugu adag ee dhimashada marka aad aragto xulalka ku jira sida: Martigeliyeyaasha Aljeria, Sinigal iyo Congo, oo kuwa ugu adag.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this